Sunday, May 19
Shadow

Month: May 2013

3 asbuuc jir

Heerarka Korriinka
Dhamaadka asbuuca sadexaad hooyooyinku waxay kala ogaadeen dhibaatooyinka caafimaad iyo kuwa caadiga ah ee ilmaha yar.  Hooyadu waxay baratay dabeecada ilmaheeda ilaa xad, waxay kaloo baratay habka iyo jidwalka quudinta ilmaha iyo hurdada. Asbuucan isbadalada dhallaanka waxaa ka mid ah iyada oo xuddunta gumadkeedii uu dhacayo.  Meesha ay ka go'day xuddunta waxaa muhiim ah in ay qalayl ahaato,  waayo maalmaha soo socda waa in ay buskootaa. Marka xudduntu ay go'do waa marka loo bilaabo qubayska dhabta ah ee ilmaha. Inta badan ilmaha yar asbuuciiba 2 jeer ayaa loo qubeeyaa. Weli hurdada ilmuhu ma ahan mid la saadaalin karo, waayo weli caloosha ilmaha ma wayna oo wuxuu u baahan yahay in la quudiyo 2 saac kasta. Xilligaan carruurtu waxay seexdaan 16-18 saac maalintii, ilmuhu halkii hu...

Asbuuca labaad Jir

Heerarka Korriinka
Ilmuhu marka uu gaaro asbuuca labaad waxaa muhiim ah dhamaan dhaq-dhaqaaqa dabiiciga ah. Dhallaanku waxay ku mashquulsan yihiin naas-nuugista, wax-qabsashada, raadinta meesha uu ka jiro naaska hooyadiis iyo il-libiqsiga. Carruurtu waxay daawanayaan wajiyada waalidkood marka dhabta la saaro,  waxay u baahan yihiin iyana in la daawado wajiyadooda, loo dhoolo-cadeeyo oo madaxa si waafaqaad ah loogu ruxo. Ilmaha jira labo asbuuc waxay kala ogaan karaan urta hooyadood, waxay dareemi karaan dhadhanka macaanka, qaraarka iyo xaamuda. Haddii ilmuhu u muuqdo mid si xiriir ah u ooyaya saacado badan waxaa laga yaabaa in ilmahaasi dareemayo callool majiir(Colic). Carruurta da'daan ah 20% ayaa callool-majiirku helaa. Asbuucyadaan ilmuhu wuu la sii ooyi doonaa callool majiirka,  laakiin ha welweli...

Maalinta koowaad ilaa Asbuuca koowaad

Heerarka Korriinka
Hambalyo wiil iyo caano ... Hambalyo Gabar iyo caano Hooyooyinka carruurta yar yar ee markaa la umulay waxay dareemayeen 9kii bilood ee la soo dhaafay culays iyo is-badalo jirreed oo marba heer soo marayay. Hooyooyinku marka ugu danbeeya ee ay umulayaan waxay darreemaan xannuun badan.   laakiin, markiiba xannuunka waxaa ugu xiga farxad iyo dhoola-cadayn marka umulisadu hooyada dhabta u saarto ilmaheeda. Waxaan darsaynaa macluumaadka ilmaha dhashay hadda ilaa asbuuca ugu horeeya ee noloshiisa. Muuqaalka ugu horeeya Carruurtu marka ay dhashaan waa kuwo yar yar oo jirkoodu qoyan yahay. Waxaa ku dahaaran budo-xabeed ka difaaca ilmaha inta ay uurka ku jireen dheecaanka uu ilmuhu ku sabaynayay ee la yiraahdo Amniotic fluid.  Ilmuhu marka uu dhasho madixiisu waa mid dhuuban, oo ay sab...

Hargabka – Common cold

Neef-mareenka/Wadnaha
Hargabka ama Dureyga waa cuddur faafa oo si baahsan la isagu gudbiyo. Wuxuu ku dhacaa qaybta sare ee habdhiska neefsashada ee kala ah sanka, cunaha,iyo gododka sanka. Hargabka waxaa keena ugu yaraan labo boqol oo nooc jeermiska Fayraska ah oo kala duwan. Nooca ugu balaaran ee keena hargabka waxaa la yiraahdaa Rhinoviruses. Carruurtu wax badan bay qaadaan hargabka laakiin isla markiiba isla noocii oo durey ah ayaa ku soo noqda. Waa maxay sababtu? Waxaan sheegnay in labo boqol oo nooc oo fayras ah oo kala duwan inay keenaan hargabka, markaas haddii hadda ilmaha hargab ku dhaco cunnugu wuxuu samaysataa difaac iyo tallaal uu uga hortago in mar kale isla fayraskii jirro ku keeno.  Nasiibdarose, waxaa ilmihii haddana ku dhaca nooc kale oo Fayras ah. Hargabka waa cuddurka ugu badan ee ku dh...

Sonkorowga – Diabetes Millitus

Qanjirada marin la' / Dhiigga
Kaadi-sonkorowgu waa cuddur ka yimaada marka dhiigga ay saa'id ku noqoto xaddi badan oo sonkor ah. Nooca la yiraahdo type 1 Diabetes wuxuu inta badan ku dhacaa carruurta, halka Type 2 diabetes uu ku dhaco dadka waawayn marka ay gaaraan inta badan sannada afartanaadka. Marka ilmuhu ama wax cuno ama cabo habdhiska dheefshiidka ee jirku wuxuu shiidaa cuntadii la cunay oo ka dhigaa sonkor khafiif ah oo la yiraahdo Glucose. Nudayaasha iyo unnugyada jirku sonkorta Glucose ayay u isticmaalaan shidaal ahaan si loo sameeyo tamar iyo enerji. Glucoseka waxaa la raaciyaa dhiigga halkaas oo uu hoormoonka Insulin xanbaaro si unug kasta meesha uu jooggo loogu geeyo,  oo markaas loogu isticmaalo tamar iyo korriinka carruurta. Insuliinta waxaa lagu tilmaamaa gaari xamuul oo sonkorta unnug kasta meesh...

E. Coli

Dheef-shiidka
E.Coli waxaa loo soo gaabshaa nooc baakteeriya ah oo la yiraahdo Escherichia coli,  oo caadiyan ku nool mindhicirada aadamiga. Baakteeriyadaani waa nooc baakteeriya ah oo qayb ka qaadata dheefshiidka, laakiin marka meesha ay joogto ay ka tagto oo ay tagto meel kale oo jirka ka mid ah ayay keentaa jirro aad u xun. Waxaa kale oo Baakteeriyadaan laga helaa meelaha lagu dhaqo lo'da ama beeraha lagu nafaqeeyay saxaro ka timid lo'da. Waxaa kale oo laga helaa hilibka lo'da iyo khudaarta sida Spinachka lagu beeray nafaqeeyayaasha saxarada lo'da. Baakteeriyadaani waxay jirka ku keentaa in lagu sumoobo cuntada, Maadaama ay ku gudubto habka saxarada ay la socoto baakteeriyada oo u gudubtay afka iyo dheefshiidka. Marka ilmuhu dheefsado cunto ama biyo ku wasakhaysnaa baakteeriyada E.coli,  wax...
MENENGITIS

MENENGITIS

Maskaxda - Darreemayaasha
Menengitis waa marka caabuq baakteeriyaad ama fayras uu ku dhaco xuubka Menenjes, ee ku dahaaran maskaxda iyo laf-dhabarta(spinal Cord).  Caabuqa waxaa keena marka baakteeriya ama fayras u gudbo maskaxda iyo darreen-wadayaasha joogga laf-dhabarta. Menengitis marka ay keento Baakteeriyadu waa dhif,  waana cuddur halis ah oo khatar galin kara nolosha qofka haddii aan si degdeg ah loo daawayn markiiba, Haddii uu keeno menengitiska fayraska inta badan waxay u muuqdaan calaamaduhu sida hargabka oo kale, sida kan baakteeriyadana khatar uma ahan. Menengitisku wuxuu ku gudbaa marka qof qaba jeermiska uu qufaco ama hindhiso oo ay hawada galaan dhibco uu ku laran yahay jeermigii. Haddii qof caafimaad qabaa neefsado hawadaas wasakhaysan wuxuu qaadi karaa Menengitis. Noocyada jeermiyada e...

Busbus – Chickenpox

Maqaarka
Cuddurka Busbus - Chickenpox waa cuddur ku dhaca maqaarka,  oo uu keeno nooc Fayras ah oo la yiraahdo Varicella zoster.  Inkastoo uu ku dhici karo dadka waawayn, haddana inta badan wuxuu ku dhacaa carruurta ka yar 15ka sanno. Waxaa lagu kala qaadaa hawada oo uu galo fayraskii marka qof qaba busbuska uu qufaco ama hindiso, dabadeedna qof fiyoobi hawadii fayrasku la socday neefsado. Cuddurka busbusku waa cuudur aad la isagu gudbiyo,  oo marka uu jirka soo galo labo maalmood ka dib calaamadihiisu ilmaha ka soo muuqdaan. Ilaa shan beri ka dibna waxaa ilmaha ka soo daata nabraha uu caanka ku yahay,  oo ah faruurac yar yar oo afka biyo ku wata, lehna cun cun saa'id ah. Busbusku waa jirro iskeed u tagta oo difaaca jirku ku filan yahay, wuxuu ilmaha hayaa ilaa 10 cisho. Sida qaalibka ah hal ...

Shubanka Rotavirus

Dheef-shiidka
    Shubankaan uu keeno Rotavirus waa shubanka iyo jirrada ugu khatarsan ee carruurta ka yar 5ta sanno u dira isbitaalada sannad kasta.  Adduunka Jirrooyinka isbitaalada lala seexsho carruurta 50% waxaa keena Rotavirus.  Sidoo kale, sannad walba wuxuu galaaftaa carruur dhan 450,000 oo carruur ah oo inta badan ku nool dunida soo koraysa. Soomaaliya in kasta oo aysan cilmi-baaris iyo Staatiistik sax ah oo ku aadan Rotavirus,  haddana shaki kuma jiro inuu ku laayo carruur badan. Rotavirus wuxuu carruurta ku keena shuban khatar ah, qandho iyo matag oo horseedi kara in ilmuhu geeriyoodo. Ugu yaraan cunnug kasta oo dunida ku nool oo gaara da'da 5 sanno hal mar ayuu ku dhacaa fayraskaani, dabadeed jirku wuxuu u samaystaa difaac oo haddii mar kale ilmaha uu ku dhaco uma khat...

Is-nadaamis – Scabies

Maqaarka
Cuddurka is-nadaamiska waa cuddur aad la isagu gudbiyo oo leh cun-cun iyo xajiimood badan. Waxaa keena dullin yar oo boodada oo kale ah,  laakiin il-ma-aragtay ah,  lana yiraahdo Sarcoptes scabiei. Dullinka keena is-nadaamiska waxay ku nooshahay maqaarka aadamiga oo ay godod ka qodato meelaha laalaabka jirku ka yahay sida faraha dhexdooda iyo kil-kilaha. Is-nadaamisku waa dullin 8 lugood leh, jir wareegsan leh oo ay adagtahay in isha aadamigu aragto. Is-nadaamisku marka nooca dhedig qaangaarto waxay qodotaa maqaarka, halkaas oo ay ugxan ku dhasho. Cuddurkaani wuxuu ku gudbaa marka ay timaado taabasho toos ah oo maqaarku maqaar kale la yeesho. Qofkastaa waa qaadi karaa is-nadaamiska.  Carruur, ciyaalka kurayda ah iyo dadka waawaynba way u nugul yihiin inay qaadaan cuddurkaan. Inta...