Saturday, May 18
Shadow

Month: November 2013

21 Billood jir

Heerarka Korriinka
Wiilkaaga ama gabadhaadu waxaa u soo bidhaamaya xaflada iyo dabaaldega sanad-guuradii labaad ee markii ilmahaagu dhashay. Si kalsooni leh ayuu hadda ilmagaau u socon karaa, u fuuli karaa qalabka guriga yaal sida kuraasta fadhiga. Waxay riixaan oo jiidjiidaan wax kasta oo ay awoodaan sida boombalooyinka, handaraabyada guriga oo ay furaan oo xiraan.  Carruurta da'doodu u dhaxayso 19 billood jir ilaa 21 billood jir waxay bilaabeen mar horaba inay gartaan inay yihiin qof gaara oo xor ah. Waxay carruurtu markay marxaladaan soo gaaraan bilaabaan suuraha oo ah dabeecad xoriyad-doon ah oo ay ku muujinayaan in loo yeelo waxay madaxooda ka damcaan. Waxay carruurta qaar bilaabaan qaylo, oohin badan, inay wax laadaan ama wax qaniinaan haddii aan loo samayn ama la siin waxa ay doonayaan.  Dhibtaan s...

18 Billood jir

Heerarka Korriinka
Gabadhaada ama wiilkaagu hadda waa soconayaa oo waa ka gudbay heerkii guurguurashada. Ilmaha ah 18 billood jir waxay galeen waji cusub oo ay kaga gudbeen heerka fadhiga iyo guurguurashada oo ay u gudbeen heerka socodka iyo orodka. Carruurtu xilligaan waxay lumiyaan calaamadihii carruurnimada sida bucbucnimadii iyo camankii buur-buurnaa. Waxay carruurtu yeeshaan waji dhuuban iyo jir dhuubnaan xiga. Miisaanka iyo culayska ilmuhu sidii 12kii billood ee hore xawaare kuma socdo,  laakiin si degan ayuu u kobcaa. Ilmuhu hadda waxay ka shaqaysiin karaan faraha iyo calaacasha oo ay awoodaa inay gacanta wax ku qabsan karaan sida qaadada cuntada oo ay qabsan karaan. Imika qaado-wax-ku-cunnida ilmaha natiijo fiican ma leh inay gogosha iyo miiska cuntada ku haleeyaan mooyee. Waxay kaloo gacantoo...

15 Billood jir

Heerarka Korriinka
Billahaan ilmuhu aad bay u korayaan xag jir ama xagga maskaxdaba. Jir ahaan carruurta da'doodu gaarto 15 billood jir waxay ku mashquulsan yihiin dunida ay ku cusub yihiin inay daah-furaan oo ay koraan, riixaan, furfuraan shay kasta oo ay haleelaan,  oo xitaa mararka qaar goddodka korantada farta galiyaan. Xilligaan carruurta qorshaha uguma jirtaba inay cabsadaan,  oo waxaa Soomaalidu tiraahdaa ilmuhu wuxuu noqday "abeeso-xanbaar", oo macnaheedu yahay xitaa haddii uu la kulmo abeeso afka soo kala haysa waa xanbaarsanayaa. Sidoo kale, xilligaan ilmuhu waxay ku jiraan xilli maskaxdoodu doonayso inay waxkasta ogaadaan(curiosity). Waalidiintu xilligaan waxay dareemaan labo darran mid dooro ah inay ilmaha siiyaan madax-banaani buuxda oo ay guriga ku mushaaxaan iyo inay caabiyaan suuraha ilma...