Sunday, May 19
Shadow

Ababinta

QAROWGA ILMAHA

QAROWGA ILMAHA

Ababinta
Soomaali ahaan erayga qarowga waxaa lagu macneeyaa riyo naxdin leh oo qofku hurdada kala soo bardado.  Carruurta yar yar qarowgu aad buu ugu badan yahay,  gaar ahaan kuwa jira 3-6 sanno.   Xilligaani waa marka ay carruurtu dareemaan cabsida iyo dunida inay jooggaan waxyaalo khatar galin gara naftooda. Sidaas awgeed, qarowga ilmaha iyo riyooyinka naxdinta lihi waa qayb ka mid ah korriinka maskaxda,  oo ay tahay in ilmo kastaa maro ee ma ahan cillad maskaxeed ama fulaynimo gaar ku ah ilmaha qarwa. Maxaa sababa qarowga carruurta Sababta saxda ah iyo habka uu u dhaco qarowga ama riyada naxdinta leh ilaa hadda lama oga.   Si kastaba ha ahaatee, waxyaalaha ugu badan ee sababi kara qarowga ilmaha waxaa ka mid ah ilmaha oo daalanaa, welwelka, reerka oo ka soo guuray guri...
SUUL-NUUGISTA

SUUL-NUUGISTA

Ababinta
Soomaalidu naynaas-bixinta dhib kalama kulmaan waayo markiiba qaabka,  iinta jirka ama dabeecada qofka ayay ka dhiraandhiriyaan markay qof naynaasayaan. Waxaan aqaan nin aabihiis la yiraahdo “Fara-nuug”.   Naynaastaasi sharaxaad uma baahna siday ku timid oo waa cadahay. Waa iyadoo Faranuug markii uu yaraa faraha ama suulka nuugi jiray. Nuugista faraha ama suulka waxay soo bilaabataa inta ilmuhu uurka ku jiro oo uu isku maaweeliyo. Suul-nuugistu waa dabeecad qaar ka mid ah ilmuhu u isticmaalaan inay isku mashquuliyaan marka ay daalan yihiin, marka ay hurdo soo hayso, marka ay jiran yihiin, marka ay xiiso-dhacsan yihiin iyo marka ay walwalsan yihiin. Sida khubaradu isku raacsan tahay Suul-nuugista wax dhib ah ilmaha uma keento inta ay ka yar yihiin shanta sanno.  Sid...
XAFIILTANKA WALAALAHA

XAFIILTANKA WALAALAHA

Ababinta
Haddii aad carruur leedahay waad garan kartaa sida mararka qaarkood ay u dhib badan tahay sidii gurigaaga ama reerkaaga aad u joogtayn lahayd nabadayntiisa.  Hal daqiiqo carruurtaadu waa heshiis oo si wanaagsan bay u wada macaamilmayaan ,  daqiiqada ku xigtana waxaad arkaysaa iyadoo midiba midka kale luqunta ugu jira. Waa dabiici in carruurta walaalaha ah loolamaan ama xafiiltamaan inta ay ka korayaan oo dhan,  waayo waa qayb ka mid ah korriinka.  Laakiin,  waxaa muhiim ah in waalidiintu xirfad ahaan yaqaanaan goorta ay tahay inay faragalin sameeyaan si ay u xaliyaan khilaafaadka carruurta. Xafiiltanka walaalaha  caadiyan wuxuu ka bilowdaa tartanka carruurtu u galaan xubiga iyo xushmada waalidkood u hayaan. Carruurtu waxay isku muujiyaan hinaase  iyo ta...
HURDADA IYO CARRUURTA

HURDADA IYO CARRUURTA

Ababinta
Hurdadu waa baahi muhiim ah oo u wanaagsan caafimaadka iyo korriinka ilmaha. Hurdadu waxay kor u qaadaa caqliga, dhiiranaanta, xasuusta iyo maskax-furnaanta ilmaha.  Carruurta hesha hurdo ku filan waxay ka caafimaad badan yihiin kuwa aan helin hurdo ku filan. Sidoo kale, carruurta aan seexan saacado hurdo oo ku filan waxay ka rabshad badan yihiin kuwa waqti waafi ah seexda.   Baahida hurdada iyo carruurta way kala duwanaan karaan qof qof ahaan. Halkaan waxaan ku soo gudbinaynaa shaxda sida caamka ah ilmuhu hurdo u baahan yihiin. Da’da ilmaha Saacadaha hurdo ee uu u baahan yahay 0 ilaa 2 bilood 11-18 saacadood 2 Bilood ilaa 12 bilood 14-15 saacadood 1 ilaa 3 sanno jir 12-14 saacadood 3 ilaa 5 sanno jir 11-13 saacadood 5 ilaa 12 sanno jir 10-11 saacadood   ...

Tababarka Tuunjiga

Ababinta
Waalidiin badan ayaa u hanqaltaaga inay arkaan ilmahoodu oo gaaray inay isticmaalaan tuunjiga iyo musqusha. Waxay muujisaa in ilmuhu gaaray heer korriin oo muhiima. Sidoo kale, waxay meesha ka saartaa howshii iyo kharashkii uu watay baambarka laga isticmaalo magaalooyinka oo loo labiso carruurta si saxarada iyo kaadida looga hortago inay halayso gogosha iyo dharka ilmaha. Waxaa muhiim ah in ilmuhu maskax ahaan iyo jir ahaanba u diyaar yahay inuu barto sida loo isticmaalo tuunjiga. Inkastoo carruurtu kala duwanaan karaan, haddana caadiyan carruurta marka da’doodu gaarto 22 ilaa 30 billood ayay u diyaar yihiin inay bartaan isticmaalka tuunjiga. Waxaa xaqiiq ah barida ilmaha tuunjiga marka ay aadka u yar yihiin inay aad u dhib badan tahay,  muddo dheerna ay ku qaadato inuu qabatimo isticma...

Welwelka kala-tegida

Ababinta
Oohin, xanaaq iyo iska caabin diidmo xanbaarsani waa calaamado soo kordha marka waalidiintu doonaan inay maca-salaameeyaan carruurta yar yar ee ay da'doodu u dhexayso 8 ilaa 14 billood. Carruurtaasi waxay la yimaadaan cabsi ka timid welwelka kala-tagida (seperation anxeity) marka waalidkood uga tagaan qof kale oo ku sii sima ilmaha inta waalidku maqan yahay. Welwelka kala-taga ee carruurta waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay marxalad caadi ah, lagana gudbo oo heerarka koriinka ee carruurta ka mid ah. Halkaan waxaan ku soo gudbin doonaa fahamka saxda ah ee welwelka kala-tagida, waxaan kale oo sharaxaynaa hababka ugu wanaagsan ee lagu dabciyo cabsida carruurta soo wajahda marka waalidiintu ka tagayaan oo ay ama shaqo aadayaan ama suuqaba ka soo adeeganayaan. Sidee ku dhacdaa welwelka kala-...

Naas-nuujinta

Ababinta
Go'aanka hooyanimada iyo naas-nuujintu waa mid waajib diini ah. Mawaadiicda diiniga ah iyo xirfadlayaasha caafimaadka carruurtu waxay isku raacsan yihiin in ilmaha naaska la nuujiyo ugu yaraan sannad. Diinta Islaamku in ka badan sannad in naas-nuujintu socoto ayayba qabtaa. Maqaalkeena waxaan ku soo gudbinaynaa faa'iidooyinka naas-nuujinta iyo warbixin ku saabsan sida ugu wanaagsan oo si kalsooni leh loo naas-nuujin karo ilmahaaga. Waa maxay faa'iidooyinka naas-nuujinta ilmaha? Caanaha naasku waxay xanbaarsan yihiin nafaqo muhiim u ah ilmaha yar. Caanaha Naasku waxay ka kooban yihiin fitamiino, borootiino iyo dux muhiim u ah korritaanka dhallaanka - iyo wax kasta oo cunto ama cabitaan ah oo ilmuhu u baahan yahay. Caanaha naaska si mucjiso ah ayaa ilaah ugu diyaariyay naasaha hooya...