Sunday, May 19
Shadow

Month: December 2013

Saabuunta Antibiotiga ah ma dhaantaa saabuunta caadiga ah

Maqaalo Caafimaad
Dhawaan waxaa qarxay muran ku aadan in saabuunaha antibiyootiga ah sida Dettol iyo Protex ay dhaamaan saabuunta caadiga ah ee ama lagu qubaysto ama lagu gacmo-dhaqdo. Sida caadiga ah saabuuntu waxay aadamiga u qabataa labo shaqo oo muhiim ah oo kala ah inay jirka ka nadiifiso wasakhda iyo inay jeermiga halista ah ka hortagto inuu fido. Inta aanaan doodda u galin aanu fahano waxa ay ka samaysan tahay saabuuntu, sida loo diyaariyo iyo sida ay u shaqayso. Marka la diyaarinayo saabuunta kiimiko ahaan waxay ka samaysan tahay isku-darka Aasiid(acid) iyo dux iyo triglyceride isku laban(Aalkali). Waxaa la isku daraa Aasiidka fatty acid iyo alkaliga la yiraahdo Sodium peroxide(NaOH). Marka labadaan isku-dhis la isku barxo ayoonada duxdu waxay ka go'aan triglycerideska waxayna ku qasmaan ayoon...

Labo sanno jir

Heerarka Korriinka
Hanbalyo.. Hanbalyo hooyo iyo aabbe,  waayo ilmahaagu wuxuu u dabaaldegayaa sannad-guuradii labaad ee cimrigiisa. Wiilkaaga ama gabadhaadu hadda waxay awoodaan inay socdaan, hadlaan, ciyaaraan. Sannadka labaad jirka ilmaha caafimaadka qabaa wuxuu sameeyay hurumar badan oo ay ka mid yihiin in ilmuhu ordi karo, jaranjarada guriga ku taagsan karo, bannooniga laadi karo, labadiisa gacmoodba isticmaali karo. Dhinaca horumarka luuqada ilmuhu hadda waxay awoodaan inay tilmaamaan shay haddii la tuso sawirkiisa. Waxay sheegi karaan magacyada dadka ay yaqaanaan. Waxay luuqad ahaan yaqaanaan erayo yar yar iyo weero. Waxay labo sanno jirku koobigareeyaan hadalada dadka waawayn ku hadlayaan. Dhaqaatiirta carruurta iyo waalidiintu waxay yiraahdaan labo sanno jir ilmuhu marka uu gaaro waxay noqdaan...