Sunday, May 19
Shadow

Month: June 2013

Gogol-qoynta – Isku kaadinta ilmaha

Cuddurada
Gogosha ilmaha iyo dharkiisa oo qoyan,  ilmo ceebaysan iyo waalidiin xanaaqasan waa wax ka dhaca guryo badan oo qoysas ku ku nool yihiin. Waxaan meesha ku jirin in laga welwelo inaan ilmaha si fiican loogu tababarin isticmaalka musqusha ama in laga shakiyo in ilmuhu ka caajisayo inuu musqusha tago habeenimada.  Mar walba waxaa muhiim ah in maskaxda lagu hayo in gogosha oo ilmuhu ku kaadiyo habeenkii inay caadi tahay oo ay ka mid tahay korriinka ilmaha. Guud ahaan carruurta ka yar 7 sanno jir oo gogosha ku kaadiya habeenkii waa wax caadi ah,  oo weli ilmuhu uma bislaan inuu xiriirsiiyo maskaxdiisa iyo kaadi-haysta oo ah meesha lagu kaydiyo kaadida. Carruurta qaar ka mid ah marka ay afarta sanno jiraan ayay joojiyaan inay gogosha ku kaadiyaan. Haddii ilmuha ka wayn 7 sanno sariirta ku kaa...

Cagaarshoow – Hepatitis

Cuddurada
Magaca cuddurkaan Cagaarshoow - Hepatitis  Soomaalidu waxay ka keentay marka beerku jirrado oo markaas cusbada Baylka(bile salts) ee ku kaydsan xameetida, ay jirka ku butaacdo oo raacdo dhiigga.  Dabadeedna,  jirka oo dhan sida maqaarka, cidiyaha iyo indhaha ay yeeshaan midabka jaallaha ama cagaarka. Laakiin,  halkaan waxaan magacaan ku lamaaninaynaa magac kale oo ajnabi ah oo ah marka beerku caabuqo, bararo oo jirado oo loo yaqaan Hepatitis.  Cagaarshoowga ama Hepatitiska waxaa keena dhawr sababood oo kala ah: Jeermisyada fayraska iyo baakteeriyada oo caabuq ku keena beerka  Dhaawac gaaray beerka oo ay keentay Sun jirka gashay. Beerka oo dhaawac ku yimaado kadib hannaanka dhiig-waraabinta beerka oo istaagta ama sahayda dhiigga oo ku yaraata. Dhaawac ama jug beerka bannaa...

Ilkaha Suusa – Dental caries

Dheef-shiidka
Soomaalidu marka ilkaha ilmaha ama dadka waawaynba ay madoobaadaan, oo haddana ay bololaan waxay si masabid ah eedda u saaraan in ilkihii uu galay cayayaanka Suuska. Suusku waa cayayaan yar yar oo burburiya miraha beeraha ee kaydka ah.  Laakiin, maadaama uusan jirin magac-bixin kale oo ilkuhu markay bololaan loo yaqaan waxaan qaadanaynaa suusida ilkaha oo ay keenaan Baakteeriya iyo macaanada dabiiciga ah oo ku kulmay ilkaha ilmaha. Ilkaha oo suusa(tooth decay) waa jirro carruurta yar yar kaga dhacda ilkaha,  oo noqda kuwa bolola ama suus galo. Inta badan suusku wuxuu carruurta kaga dhacaa ilkaha kore ee afarka ah, halka kuwa hoose inta badan ka badbaadaan bololka,  waayo waxaa ilkaha hoose mar walba qooya oo difaaca candhuufta iyo dheecaanada afka. Maxaa keena bololka ilkaha carruurt...
CAABUQA DHEGAHA – EAR INFECTION

CAABUQA DHEGAHA – EAR INFECTION

Sanka-Cunnaha-Dhegaha
Caabuqa dhegaha ama infectionka ku dhaca waa marka dhegta dhexdeeda ay galaan jeermisyada baakteeriyada iyo fayrasyada,  oo ay ku keenaan calaamadaha xannuunka, qandhada iyo appetite la'aanta. Inta badan carruurta oo dhan hal mar ayuu soo maraa caabuqa dhegtu inta aysan gaarin labo sanno. Sidee u dhacaa caabuqa dhegtu? Caabuqa dheguhu waa jirrooyinka ugu badan ee ku dhaca carruurta, wuxuuna u dhacaa marka ilmaha dhegta uu jeermi ka galo. Dhegtu qaab ahaan waxay u qaybsantaa 3 qaybood oo kala ah dhegta banaanka, dhegta dhexe iyo dhegta shishe. Inta badan caabuqa dhegta bannaanka kuma badno carruurta. laakiin, waxaa aad ugu dhaca dhegaha waa caabuqa dhegta dhexe oo la yiraahdo Otitis Media. Dhegta dhexe waxay ka danbaysaa durbaanka dhegta. Haddii baakteeriya ama virus gaaro dhegta dh...

8 Billood jir

Heerarka Korriinka
Dhallaanka jira sideeda billood waxay heleen kalsooni iyo awood jirreed. Waxay si fiican hadda u barteen inay si xawli ah u guurguurtaan.  Waxay awood u leeyihiin inay si taxadar leh ugu taagsadaan kursi ama sariir,  oo ay yara istaagaan. Carruurta 8da billood jiraa labada bilood ee soo socota waxay sahamin doonaan inay isku dayaan inay socdaan iyagoo cuskanaya dermiga ama qalabka guriga yaal. Bishaan qaar waalidiinta ka mid ahi carruurta waxay dhex fariisayaan kursiga socod-baradka ee la yiraahdo baby walker. Inkastoo gaariga socod-baradku aad ugu fiican yahay carruurta oo waalidiintu nafis darreemaan, haddana kursiga socod-baradku cillado ayuu leeyahay. Marka hore ilmuhu kursiga wuxuu u isticmaali karaa jaranjaro uu ku gaaro alaabada dusha sare saaran ama feerooyin kul-kulul ama tarmu...

CALLOOL-MAROOJISKA CARRUURTA

Calaamadaha
Callool-maroojiska carruurta(infantile colic) waxaa lagu tilmaamaa oohin carruureed aan kala joogsi lahayn ee ilmo caafimaad qaba. Haddii ilmahaagu ka yar yahay 5 billood oo maalintii 3 saac oo xiriir ah uu ooyo, saddex beri asbicii muddo 3 asbuuc ah waxaa la yiraahdaa ilmahaasi wuxuu qabaa maroojiska calloosha. Callool-maroojisku ma ahan jiro mana ahan dhib wayn oo ilmaha waxyeelayn karta,  laakiin waxaa laga yaabaa inay raaxo-darro ku keento ilmaha iyo waalidiinta dhawrka billood ee soo socda. Waa maxay calaamadaha callool-maroojiska carruurta? Maroojisku wuxuu ilmaha ku bilowdaa 2-3 asbuuc ka dib dhalashadooda. Oohinta caadiga ah ee ilmaha waxay timaadaa marka ilmuhu darreemo qoyaanka saxarada , gaajo, daal ama cabsi  laakiin,  oohinta maroojiska calloosha ka tima...

Soo bixida ilkaha ee Carruurta

Heerarka Korriinka
Inta badan carruurta yar yar ilkaha ugu horeeya ee la yiraahdi ilko-caanoodka waxay u soo baxaan marka ay jiraan inta u dhaxaysa 3-7 bilood dhexdood. Cilmi ahaan aas-aaska ilkaha waxay horayba u bilaabatay intii ilmuhu ku jiray uurka. Qaar ka mid ah ubbadka ilkuhu waxaa laga yaabaa inaysan u soo bixin ilaa inta ay ka gaarayaan hal sanno. Marar dhif iyo naadir ah qaar carruurta ka mid ahi marka la umulaba waxaa lagu arkaa iyagoo ilko leh. Qaar kale  oo carruurta ka mid ah asbuucyo ka diba ilkaha ugu horeeya ayaa u soo baxa. Ilkuhu waxay ka soo dilaacaan cirridka ilmaha iyagoo mid mid u soo baxa markiiba. Waxaa ugu soo hor baxa foolasha yar yar ee hore ee daanka hoose. sida caadiga ah 4-8 asbuuc ka dib waxaa soo baxa foolasha iyo miciyaha kore. Ilaa qiyaastii bil ka dibna waxaa soo baxa m...

7 Billood jir

Heerarka Korriinka
Ilmaha gaaray bisha todobaad waxay noqonayaan kuwo darreemaya isku-filaansho oo diyaarinaya shaqsiyadooda u gaarka ah. Dhallaanku bishaan waxay bilaabaan inay dhaqdhaqaaqaan. Waxay sameeyaan inay guurguurtaan, inay xamaartaan, inay dhinacyada isku rogaan amaba inay salka ku siqaan. Mararka qaar ilmuhu afartaas dhaqaaqba way isku daraan. Ilmaha guurguuranaya waxaa wanaagsan in lagu dhiirigaliyo inuu dhaqdhaqaaqo iyadoo hortooda la dhigayo boombalo si ay u haabtaan oo u gaaraan meesha boombaladu taal. Waxaa la soo gaaray markii waalidiintu guriga ka nadiifin lahaayeen wax kasta oo khatar ku ah ilmaha sida biraha wax sara, waxyaalaha ilmuhu liqi karaan, waxyaalaha gubniinka keeni kara iyo dareerayaasha khatarta ah. Ilmaha gaaray 7 billood jir waxay awoodaan inay wax cunni karaan, in...

Naas-nuujinta

Ababinta
Go'aanka hooyanimada iyo naas-nuujintu waa mid waajib diini ah. Mawaadiicda diiniga ah iyo xirfadlayaasha caafimaadka carruurtu waxay isku raacsan yihiin in ilmaha naaska la nuujiyo ugu yaraan sannad. Diinta Islaamku in ka badan sannad in naas-nuujintu socoto ayayba qabtaa. Maqaalkeena waxaan ku soo gudbinaynaa faa'iidooyinka naas-nuujinta iyo warbixin ku saabsan sida ugu wanaagsan oo si kalsooni leh loo naas-nuujin karo ilmahaaga. Waa maxay faa'iidooyinka naas-nuujinta ilmaha? Caanaha naasku waxay xanbaarsan yihiin nafaqo muhiim u ah ilmaha yar. Caanaha Naasku waxay ka kooban yihiin fitamiino, borootiino iyo dux muhiim u ah korritaanka dhallaanka - iyo wax kasta oo cunto ama cabitaan ah oo ilmuhu u baahan yahay. Caanaha naaska si mucjiso ah ayaa ilaah ugu diyaariyay naasaha hooya...

Cunto-ku-bilaabida carruurta

Heerarka Korriinka
Ma jiro muuqaal ka fiican ilmahaaga oo dhabta kuu saaran, baaquli cunto ah oo aad u soo diyaarisay gacanta kuugu jiro, qaado yar oo le'eg afka ilmaha baaquliga dhextaal, dabadeed cuntadii qaadada aad ku qaadid oo ilmaha afkiisa la galiyo. Qaar ka mid ah cuntada dhabtaada ku daadatay, qayb ka mid ah ilmuhu muudsado,xooggaa kale oo cuntadii ka mid ahina ilmuhu afkiisa iyo wajigiisa uu mariyo. Carruurta oo cunto adag lagu bilaabo waa fan, ciyaar iyo hawl ku saabsan cuntada oo ku halowda dharkaaga iyo ilmaha wajigiisa. Muuqaalkani waa muhiim,  waayo wuxuu cadaynayaa in ilmahaagu soo gaaray heer korriin oo muhiim ah,  oo ah in ilmihii bilaabay inuu cuntada sida qof caadi ah cunno. Carruurta yar yar dhaqaatiirta dhallaanku waxay ku taliyaan in cuntada loo bilaabo marka da'doodu soo gaa...