Sunday, May 19
Shadow

Month: March 2020

CUDURKA COVID-19 IYO CARRUURTA

CUDURKA COVID-19 IYO CARRUURTA

Cuddurada dilaaga ah, Uncategorized
WAA MAXAY CUDURKA CORONA VIRUS . Corona fayrus waa nooc cusub oo ah noocyada fayrasyada ah ee Corona Viruses. Cudurkaan uu keeno Corona fayraska cusub markii ugu horaysay waxaa laga ogaaday gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha. Hay'ada Caafimaadka ee Adduunka ayaa u bixisay Corona Virus Disease 2019 ama cudurka fayruska karoona ee soo baxay 2019. Waxaa loo soo gaabshaa COVID-19. COVID-19 waa nooc cusub oo la qoys ah noocyo kale oo Corona Virus ah oo dunidu hore u taqaanay sida kuwo hargab ama nooca SARS la yiraahdo keena. Iyada oo tirada dadka uu cuddurku ku dhacayo dunida ay sii kordhayso ayaa waalidiintu waxay ka walwalsan yihiin sidii ay carruurtooda kaga badbaadin lahaayeen in cuddurku ku dhaco, Laakiin arrin laab-qaboojin u ah waalidiinta ayaa jirta: in cuddurku ilaa hadda carruurta u ladi...