Sunday, May 19
Shadow

Month: January 2014

Bilhaarsiya

Maqaalo Caafimaad
Kaadi-dhiig waa calaamad cuddur. Waa marka ay kaadida dhiig soo raaco. In kaadida dhiig soo raaco waxaa keeni kara cudduro badan oo ay ka midka yihiin infectionka habdhiska kaadi-mareenka,  kansarka iyo Bilharsiyada. Maadaama dadka Soomaaliyeed in badan ka aqoon cudurada kale ayay bilhaarsiyada ula baxeen magaca ah kaadi-dhiig. Kaadi-dhiigga ama bilhaarsiya waxaa keena nooc gooryaan baarasayt ah. Caabuqa noocyada Schistosoma mansoni, S. haematobium, and S. japonicum waxay binu-aadamka ku keenaan xannuuno. Sida ay sheegtay hay’ada Caafimaadka Adduunka in ka badan 200 milyan oo qof oo dunida ku nool ayaa sannad walba uu asiibaa cuddurka bilhaarsiyada ama kaadi-dhiiggu. Sidee lagu qaadaa bilhaarsiyada ama kaadi-dhiigga Caabuqa cuddurkaani wuxuu dhacaa marka maqaarka binu-aadamka ay d...

BAABASIIRKA

Maqaalo Caafimaad
Qof kasta wuxuu godka dabada iyo malawadka ku leeyahay xiddido dhiig.  Xiddidadaasi marka ay kala fidaan oo dhumacdoodu baahdo ayaa waxaa dhaca Baabasiirka ama qoor-maaleyda. Marka caddaadis iyo riixitaan ku dhaco xiddidka ayaa waxaa dhacda in xiddidku lumiyo laastiigiisii oo ay dhumucdiisu waynaato ilaa uu noqdo kiish uu dhiiggu ku xayirmo. Luuqada Ingiriiska Baabasiirka waxaa lagu yiraahdaa Hemorrhoids ama Piles. Soomaalidu waxay u taqaanaa magacyo badan oo aan ka xusi karo Baabasiir iyo qoor-maaley. Baabasiirku wuxuu dadka ku keenaa xannuun badan, cuncun badan,  welwel iyo mararka qaarkood dhiigbax. Dadka Soomaalida ahi Qaarkood waxay ka dhigaan baabasiirka calaamad ceeb ah oo hoosta loo sheego marka laga cabanayo. Xaqiiqduse waxay tahay in baabasiirka qofkasta uu leeyahay w...

BOOG-CALLOOLEEDKA

Maqaalo Caafimaad
Boog callooleedka ama gaastariko waa boogo furan oo ku samaysma gidaarada moqorka cuntadu marto ilaa hunguriga madow ilaa mindhicirka yar qaybtiisa hore. Calaamada ugu muhiimsan oo ay nabrahaani dadka ku keenaan waa xannuun badan oo ka imaanaya uurku-jirta. Boog caloodku waxay u qaybsamaan saddex nooc oo kala ah: Boog moqoreed ama gastric ulcer oo ku dhaca caloosha cuntada. Boog hunguriyeed ama Esophageal ulcer oo ku dhacda tuubada ama hunguriga madow oo ay cuntadu sii marto marka ay calloosha u socoto. Boog mindhicireed ama Duodenal ulcer oo ku dhacda qaybta hore ee mindhicirka yar.   Berigii hore waxaa la sheegi jiray sheeko-bareley dhahaysay in gaastarikada ay keenaan cuntooyin suugo basbaas leh,  welwelka  iyo hawlaha faraha badan,  laakiin waxaa dhawaan...

Nabraha maqaarka Carruurta

Maqaarka
Nabraha maqaarka carruurta ka soo daata waa kuwa bilaaban kara dhalashada ilmaha ka dib ilaa noloshiisa. Sideedaba faruuracu(Rashes) waa jawaab-celin jirku ka bixinayo dhib ama kiimiko jirka dibada uga timid sida daawo ilmuhu xasaasiyad ka qaaday, cayayaan qaniinay ama jeermis(fayras, baakteeriya, fungus) soo gaaray maqaarka ilmaha. Calaamadaha maqaarka carruurta kasoo muuqda waalidiinta waxaa u fiican inay fiiro u yeeshaan si ay u kala ogaadaan calaamadaha ama faruuraca muujiya jirrooyin khatar ah. Tusaale ahaan,  barar maqaarka ah oo xasaasiyad keentay oo saameeyay qayb badan oo maqaarka waxaa laga yaabaa inuu keeno shoog nolosha ilmaha khatar galin kara. Marka la arko calaamadaas bararka xajiinta leh ee barariyay maqaarka waxaa fiican in ilmaha la tuso dhaqtarkiisa. Noocyada Farruurac...