Tuesday, December 3
Shadow

Month: August 2013

Tababarka Tuunjiga

Ababinta
Waalidiin badan ayaa u hanqaltaaga inay arkaan ilmahoodu oo gaaray inay isticmaalaan tuunjiga iyo musqusha. Waxay muujisaa in ilmuhu gaaray heer korriin oo muhiima. Sidoo kale, waxay meesha ka saartaa howshii iyo kharashkii uu watay baambarka laga isticmaalo magaalooyinka oo loo labiso carruurta si saxarada iyo kaadida looga hortago inay halayso gogosha iyo dharka ilmaha. Waxaa muhiim ah in ilmuhu maskax ahaan iyo jir ahaanba u diyaar yahay inuu barto sida loo isticmaalo tuunjiga. Inkastoo carruurtu kala duwanaan karaan, haddana caadiyan carruurta marka da’doodu gaarto 22 ilaa 30 billood ayay u diyaar yihiin inay bartaan isticmaalka tuunjiga. Waxaa xaqiiq ah barida ilmaha tuunjiga marka ay aadka u yar yihiin inay aad u dhib badan tahay,  muddo dheerna ay ku qaadato inuu qabatimo isticma...

Qandhada Tiifoowga

Cuddurada
Erayga Tiifoow Soomaalidu waxay ka keentay magacbixinta afka qalaad oo lagu yiraahdo Typhoid fever. Cuddurkaan waxaa keena jeermiga baakteeriyada ee la yiraahdo Salmonella Typhi. Qandhada tiifoowga waa la daawayn karaa,  laakiin haddii aan la daawayn waxay horseedi  kartaa inay dhibaatooyin ama dhaawac gaarsiiso jirka. Baakteeriyada keenta qandhada tiifoowga (Typhoid) waxay inta badan ku nooshahay jirka binu-aadamka,  oo ay la socoto saxarada iyo kaadida.  Waxay kale oo ay baakteeriyadu joogtaa dhuumaha ay maraan saxarada sida siiwayjka, bulaacadaha iyo meelaha lagu dabaasho. Waxaa la isagu gudbiyaa marka qof qaba baakteeriyada tiifoowga uu saxaroodo, dabadeedna isagoon si fiican gacmaha isaga dhaqin uu cunto ama cabitaan diyaariyo,  markaasna qof fiyoow cuntadii ama cabitaankii isti...

Welwelka kala-tegida

Ababinta
Oohin, xanaaq iyo iska caabin diidmo xanbaarsani waa calaamado soo kordha marka waalidiintu doonaan inay maca-salaameeyaan carruurta yar yar ee ay da'doodu u dhexayso 8 ilaa 14 billood. Carruurtaasi waxay la yimaadaan cabsi ka timid welwelka kala-tagida (seperation anxeity) marka waalidkood uga tagaan qof kale oo ku sii sima ilmaha inta waalidku maqan yahay. Welwelka kala-taga ee carruurta waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay marxalad caadi ah, lagana gudbo oo heerarka koriinka ee carruurta ka mid ah. Halkaan waxaan ku soo gudbin doonaa fahamka saxda ah ee welwelka kala-tagida, waxaan kale oo sharaxaynaa hababka ugu wanaagsan ee lagu dabciyo cabsida carruurta soo wajahda marka waalidiintu ka tagayaan oo ay ama shaqo aadayaan ama suuqaba ka soo adeeganayaan. Sidee ku dhacdaa welwelka kala-...

Caabuqa kaadimareenka ee carruurta

Kaadi-mareenka
Inta aanaan sharaxin sida uu ku yimaado caabuqa kaadimareenka ee carruurta waxaan yara iftiiminaynaa qaybaha habdhiska kaadimareenka iyo shaqadooda. Habdhiskaani wuxuu ka mid yahay hannaanka qashin-saarka ee jirkeenu isaga saaro waxyaalaha haraaga ama wasakhda ah sida qashinka, sunta iyo kiimikooyinka khatarta ah ee jirka soo gala. Habdhiskaani wuxuu jirka bannaanka uga saaraa kaadida oo ah qashin ama wasakh laga soo miiray dhiigga oo ay tahay in laga sifeeyo jirka. Qofka aysan shaqaynayn habdhiska kelyuhu ma noolaan karo haddii uusan helin hab kale oo jirka kaadida looga sifeeyo. Habdhiska kaadimareenku wuxuu ka kooban yahay qaybahaan: Labada kelyood(Kidneys): oo shaqadoodu tahay inay dhiigga ka sifeeyaan waxyaalaha wasakhda ama kiimikooyinka ah ee la socda cuntooyyinka la dheefsad...

Leukemia ama kansarka dhiigga

Qanjirada marin la' / Dhiigga
Leukemia waa kansarka dhiigga ku dhaca. Kansarkaani wuxuu ka biloowdaa dhuuxa lafaha dhexdooda ku jira. Dhuuxu waa nudayaasha laga sameeyo unnugyada dhiigga. Qofka caafimaadka qaba dhuuxa dhexdiisa waxaa lagu sameeyaa: White blood cells:  oo ah unugyada cad-cad ee dhiigga. Unugyada cad-cadi waxay jirka ka difaacaan jeermisyada cuddurada keena. Red Blood cells:  oo ah unugyada cas-cas ee dhiigga. unugyada cas-casi waxay jirta oo dhan u xanbaaraan ogsijiinta. Platelets:  oo ah unugyada xinjiraynta dhiigga.   Marka qofku qabo Leukemia ama kansarka dhiigga dhuuxu wuxuu si qaldan u sameeyaa unugyo cad-cad oo tiro badan oo qaab-daran.  Unugyadaasi si aan kala go' lahayn ayay u samaysmaan iyadoon loo baahnayn. Unugyadaas kansarka ahi ma qabtaan shaqadii ay ahayd inay qabtaan...

DOWN SYNDROME

Jirrooyinka Dhaxalka/lagu dhasho
Cuddurkaan Down Syndrome waxaa markii ugu horaysay sharaxay oo loogu magacdaray dhaqtar Ingiriis ahaa oo la oran jiray John Langdon Down sannadkii 1866dii. Cuddurkaan waa cuddur lagu dhasho oo ka yimaada marka dhaxal-sidayaasha ama Koromosoomada waalidiinta u gudbiyaan tafiirtooda ay si khalad ah u qaybsamaan. Staatikis ahaan 700 ilmood oo dhalata hal cunnug ayaa ku dhasha Down syndrome. Dabiiciyan marka ilmuhu abuurmayo wuxuu aabihiis bixiyaa 23 koromosoom ama hidde-side oo shahwada la socda, halka hooyaduna dhiibto 23 koromosoom oo ugxanta la socda. Marka ay isku bacrimaan shahwada iyo ugxanta ayaa waxaa soo baxa unnug aadami ah oo ka samaysan 46 koromosoom ama hidde side ilaa ilmuhu uurka dhexdiisa uu koroyo oo uu noqonayo qof dhamaystiran oo bilaayiin unnug ka samaysan. Cuddurkaan Do...

Madaxwaynaadka ama Hydrocephalus

Maskaxda - Darreemayaasha
Madaxwaynaad ama hydrocephalus waa dhibaato caafimaad oo carruurta yar yar madaxa ama maskaxda kaga dhacda. Magaca hydrocephalus wuxuu ka soo jeedaa eray Gariig ah oo ah Hydro oo macnaheedu yahay biyo iyo cephalus oo macnaheeda yahay madaxa. Macnaha erayga marka la isku kabo wuxuu soomaali ahaan ku noqonayaa Madax-biyood. Cuddurkaan wuxuu u dhacaa farsamo ahaan marka dheecaanka maskaxda iyo arxaanka ee la yiraahdo cerebrospinal fluid uu dheeraad noqdo oo uu waayo meel uu ka dareero oo uu ka baxo. Dheecaanka shaqadiisu waa inuu nafaqeeyo oo haddana mayro maskaxda. Dheecaankan waxaa lagu sameeyaa khaanadaha maskaxda. Waxaa jira godad yar yar oo ku yaala maskaxda dhexdeeda oo dheecaankani marka uu wasakhoobo uu ka dareero. Haddii gododkaas xirmaan ama ilmuhu ku dhasho iyaga oo xiran wax...

Kansarka carruurta ku dhaca

Cuddurada dilaaga ah
Kansarku wuxuu ka bilaabmaa unugyada jirka oo ah aasaaska nolosha binu-aadamiga. Jirka aadamigu wuxuu u baahan in la sameeyo unugyo cusub marka baahi timaado. Unugyada jirka aadamiga waxay ka kooban yihiin bilaayiin iyo bilaayiin unug oo leh cimri qiyaastii afar billood ah. Unug kasta marka uu gaboobo waa la badalaa oo waxaa la sameeyaa unug cusub. Mararka qaarkood habka samaynta unugyada cusub ayaa qaldama oo waxaa la sameeyaa unugyo aan loo baahnayn ama unugyadii gaboobay oo ay ahayd in la badalo ayaa tagi waaya.  Unugyada kansarka waxay caan ku yihiin inay u samaysmaan si qaabdaran oo xadka ka baxsan, waxay leeyihiin xajmi ka duwan kuwa caadiga, waxay baabi'iyaan oo ku fidaan unugyada fiyoow ee dariska la ah. Marka ay sii bataan unugyada kansarku waxay cunaan in badan oo nafaqadii...