Sunday, May 19
Shadow

Month: April 2013

NIMOONIYA – PNEUMONIA

Neef-mareenka/Wadnaha
Waxaad maqashaa carruur banaanka ku ciyaaraysa galabkii mar cirku soo hooray. Waalidiintu way ku qayliyaan carruurtii, "carruureey soo gala gudaha yaan qaboow idin galine". Laakiin Qaboowgu ama nimooniyadu maxay tahay? Mise laga qaadaa hawada qaboow sida roobka da'aya oo kale. Soomaalidu cuddurkaan magacyo badan bay u taqaan. Waxaa ka mid ah magacyadaas Qaboow, oof-wareen, qaar-jeex iyo koolbo-aariyo. Waxaan doortay inaan u daayo magaciisa laatiinka ah ee Nimooniya. Nimooniya waa cuddur ku dhaca sanbabada oo ay keenaan jeermiyada kala ah Baakteeriya iyo Virus. Wuxuu cuddurku ku dhacaa dhamaan dadka ilaa carruur ilaa waayeel. Nimooniyada waxaa lagu qaadaa marka qofku neefsado hawo ay la socdaan jeermiyada ama baakteeriyada ama firaska, oo markaas gaara habdhisyada ama kiishahka alvioli ee...
MALARIA – MALAARIYA

MALARIA – MALAARIYA

Cuddurada
Malaariya waa cuddur ama caabuq inta badan ka dhaca meelaha cimilada kulaalayaasha dhaca sida Afrika, Aasiya iyo Laatiin Ameerika. Waxaa gudbiya cayayaanka kaneecada oo qofka marka ay qaniinto uu ku dhici karo cuddurka malaariyadu. In ka badan hal milyan oo carruur ah oo ka yar da'da 5ta sanno ayuu sannad kasta ku dilaa Afrika. 300-500 Milyan oo qof ayay dunida sanadkii malaariyadu ku dhacdaa. Soomaaliya sida ay sheegtay Unicef Somalia bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya cuddurada ciyaalka ka yar 5ta sanno ku dhaca 8% waxaa keena malaariyada,  oo ku badan gobolada wabiyadu maraan ama mar walba dhulka ay biyo fadhiyaan. Maxaa keena Malaariyada? Malaariyada waxaa keena ilma aragtayga jinsiyada Paarasaytka ah ee la yiraahdo  Plasmodium, oo la socda candhuufta kane...

Cabbeeb – Oral trush

Cuddurada, Dheef-shiidka
Cabeebku waa cuddur ku dhaca inta badan carruurta yar yar. Cuddurkaani wuxuu ku dhacaa qowlalada afka, carrabka iyo saqafka afka. Waxaa keena nooca jeermiga ee la yiraahdo Fungi. Jeermiga fungus ama candida waxaa laga helaa jirkeena isaga oo aan dhib ama jirro noo keenayn. Waxaa laga helaa afka, mindhicirada iyo maqaarka. Haddii difaaca jirku hoos u dhaco ama ilmaha muddo dheer la siiyo daawooyinka Antibiyootiga waxaa dhacda inuu tarmo jeermiga Fungusku,  dabadeedna jirro uu ku keeno jirka. Maxaa keena cabbeebka Cabbeebka waxaa keena difaaca jirka oo hoos u dhaca. Ilmaha ku dhasha miisaanka yar waxay u nugul yihiin inay qaadaan cabbeebka. Inta badan carruurta yar yari waxay ka qaadaan marka hooyadu umulayso  oo ay soo marayaan marinka dhalmada oo uu jeermigu jooggo. Haddii hooyadu qa...

Bronchiolitis

Cuddurada, Neef-mareenka/Wadnaha
Bronchiolitis waa caabuq ama infection ku dhaca tuubooyinka yar yar(Bronchioles) ee sanbabka ee hawadu marto. Inta badan caabuqaan waxaa keena jeermiga Viruska, wuxuuna haleelaa carruurta ka yar labo sanno. Sidoo kale, inta badan wuxuu ku dhacaa carruurta aan naaska la nuujin ama ku nool meelaha isku-raranta ah. Caadiyan hawadu waxay jirka ka soo gashaa sanka, dabadeedna waxay sii martaa hunguriga cad ilaa ay u gudubto dhuumaha Bronches. Dhuumaha bronches waxaa ka sii farcama tuubooyinka bronchioles, aakhirka waxay hawadu tagtaa kiishashka yar yar ee malaayiinta ah ee la yiraahdo Alvioli. Marka caabuqu yimaado ayaa tuubooyinkaas waxaa buuxiya xab iyo barar, taasoo ku keenta in ogsijiintu u gudbi waydo kiishahshka alvioli, waxaana ilmuhu dareemaa neef-qabatin iyo neef-tuur. Cuddurkaa...

Autism – Sirgaxan

Cuddurada, Jirrooyinka Dhaxalka/lagu dhasho
Cudurkaan afka qalaad lagu yiraahdo Autism waa mid ku cusub Soomaalida ama waxaa laga yaabaa inuu muddo jiray,  laakiin aan la xaqiijin jirin.  Sidaas awgeed, u malaynmaayo inuu jiray magac-bixin Soomaali ah oo uu leeyahay. Waxaan qiyaasayaa inaan ahay qofkii ugu horeeyay oo qoraal ahaan ku soo gudbiyay. Waxaan Qiyaasay maadaama uusan magac hore Soomaalida u lahayn inaan saaro magac-bixin cusub oo ah Sirgaxan. Cudurkaan wuxuu ka bilaabmaa cillad xagga maskaxda ah,  oo niyuuroonada ama neerfayaasha maskaxdu si khariban ay u samaysmeen markii ilmuhu uurka hooyadiis ku jiray. Wuxuu cudurkaani  ilmaha uu halleelo ku keenaa cillad ku timaado xagga dhexgalka bulshada iyo xiriirka dadka. Cudurkaani wuxuu asiibaa halka maskaxda ee laga maamulo khabaaraadka,macaamilka iyo luuqada. Cuddurk...

Aneemiya – Dhiig la’aan

Cuddurada, Qanjirada marin la' / Dhiigga
Inta aan loo galin sharaxaada Aneemiyada ama dhiig la'aanta waxaa fiican in la fahmo baahida aadamiga ee neef-qaadashada. Isku day waxoogaa yar in aad neefta isku celiso.  Muddo yar ka diba ma adkaysan kartid,  waayo waxaad u baahan tahay ogsijiin si aad u noolaato. Taasi waxa weeye in sanbabadeenu jiidaan ogsijiin jirkeenu u baahan yahay si uu u noolaado. Sidoo kale waxaan u baahanahay hab ama wado aanu nuddayaasha jirkeena ku gaarsiino ogsijiinta ay u baahan yihiin,  si ay tamar u sameeyaan oo ay u shaqeeyaan. Dhiiggeenu wuxuu la mid yahay webi ama tog dhamaan jirka oo dhan dhexmaraya. Xubin kasta ama nudde kasta marka dhiiggu maro waxaa loo geeyaa ogsijiinta uu u baahan yahay iyo nafaqada uu u baahan yahay. Goormaa Aneemiya timaadaa? Aneemiya waxay timaadaa marka dhiigga ay ku ...

Callool-qalayl – Constipation

Calaamadaha, Dheef-shiidka
Jamaal wuxuu dareemayaa inuu musqusha tago si uu u soo saxaroodo,  waayo muddo 4 beri ah ma saxaroon. Wuxuu galay musqushooda,  Laakiin saxankii musqusha markii uu ku fariistay ayuu sameeyay docosho badan iyo inuu saxarada xoog isaga soo saaro. Cabaar markuu xarbiyay ayuu soo tuuray dhawr qurub oo adag oo qalalan. Jamaal dabadeed saxaradii ayuu iska mayray, surweelkiisii xirtay dabadeedna gacmaha saabuun ku mayrtay. Weli wuxuu dareemayaa caddaadis in saxaradii aysan ka soo dhamaan. Maxay tahay sababtu?  Haa. Wuxuu qabaa calool-qalayl ama saxaradiisii oo adkaatay. Waa maxay calool-qalayl ama constipation Callool-qalaylka carruurtu waa marka ilmuhu muddo caadiyan maalmo ah uusan saxaroon ama haddii uu saxaroodaba ay ka timaado saxaro adag oo si xanuun leh uga soo baxda malawadka. In...

Kor-cadaad-Albanism

Cuddurada, Jirrooyinka Dhaxalka/lagu dhasho
Cudurka Albiino waa cuddur la iska dhaxlo,  oo ah marka maqaarka, indhaha iyo timaha uu ku yar yahay midabka ama dhibcaha la yiraahdo Melanin. Wuxuu ku dhacaa dhirta, aadamiga iyo xayawaankaba. Carruurta ku dhalata calaamada ugu horaysa waa maqaarka iyo timaha oo caddaada oo aan midab lahayn.   Soomaalidu waxay ku qaladaa cuddurkaan barasta oo ah cuddur ku dhaca maqaarka oo jirku isla dagaalamo(Auto-immune disease), laakiin Albino waa cuddur la iska dhaxlo oo kaliya. Fahanka cudurka Albanism ama kor-caddaadka        Marka hore si aad u fahanto cudurka albiinada waxaa fiican inaad deristo maadada Melenin oo ah kiimiko laga helo lakabka hoose ee maqaarka oo shaqadeedu tahay inay samayso,  midabayso maqaarka, timaha iyo birta isha. Haddii cunug ku dhasho cudurka Albino maqaarkiis...

Xasaasiyada Cuntada – Food Allergy

Cuddurada, Jirrooyinka Xasaasiyada
Xasaasiyada cuntada -  Food allergy waa xaalad caafimaad oo khatara,  oo saamaysa malaayiin carruur ah oo ku nool dunida dacaladeeda. Cudurkan wuxuu ku bilaabmaa difaaca jirka oo qaldama. Maadaama shaqada difaaca jirku ay ahayd inuu jirka ka difaaco jeermisyada Baakteeriyada iyo Viruska,  ayuu jirku u maleeyaa noocyo cunto ah barootiino ku jiraa inay jeermis yihiin, dabadeedna barootiinadaas si khalad ah ayaa loola diriraa. Si ka duwan xaaladaha kale ee cunto dhibsiga ah, cudurkaan waxaa kacsha nooc lid-jireed ah oo la yiraahdo immunoglobulin E, oo shaqadoodu tahay inay sii daayaan dheecaanka Histamine iyo kiimikooyin kale oo kacsha calaamadaha jawaab-celinta alleerjiga. Maxaa ka mid ah cuntooyinka xasaasiyada carruurtu ka qaadi karto. Inkastoo qofba nooc cunto ah oo xasaasi ama a...

Cudurka Celiac

Cuddurada, Jirrooyinka Xasaasiyada
Cudurka Celiak (Seeliyaak) waa cuddur xasaasiyada jirku kiciso oo ku dhaca habdhiska dheefshiidka ee carruurta. Qofka qaba cudurkaan wuxuu dhibsadaa barootiinka la yiraahdo Gluten oo inta badan laga helo cuntooyinka laga sameeyo sareenka sida rootiga, baastada iyo pizza. Carruurta qabta cudurkaan marka ay quutaan cunto uu ku jiro barootiinka Gluten ayaa barootiinkani gaaraa habdhisyo yar yar oo la yiraahdo Villi oo ku taxan mindhicirada.  Shaqada Villi waa inuu dhuuqo nafaqada cuntadii la shiiday,  si dhiiga loogu daro nafaqadii saafida ahayd.  Gluten marka uu soo gaaro Viilliga ayaa jirku ku furaa lid-jireedyo la dagaalamaya barootiinkaas Gluten.  Dabadeed dhaawac ayaa gaara habdhisyadii yar yaraa ee villi.  Waxaa dhacda in jirkii nafaqadii dheefsan waayo maadaama villigii la burburiya...