Saturday, May 18
Shadow

CALLOOL-MAROOJISKA CARRUURTA

Callool-maroojiska carruurta(infantile colic) waxaa lagu tilmaamaa oohin carruureed aan kala joogsi lahayn ee ilmo caafimaad qaba. Haddii ilmahaagu ka yar yahay 5 billood oo maalintii 3 saac oo xiriir ah uu ooyo, saddex beri asbicii muddo 3 asbuuc ah waxaa la yiraahdaa ilmahaasi wuxuu qabaa maroojiska calloosha. Callool-maroojisku ma ahan jiro mana ahan dhib wayn oo ilmaha waxyeelayn karta,  laakiin waxaa laga yaabaa inay raaxo-darro ku keento ilmaha iyo waalidiinta dhawrka billood ee soo socda.

Colicky newborn
Ilmo callool-maroojis hayo – Courtesy of wikipedia

Waa maxay calaamadaha callool-maroojiska carruurta?

  • Maroojisku wuxuu ilmaha ku bilowdaa 2-3 asbuuc ka dib dhalashadooda.
  • Oohinta caadiga ah ee ilmaha waxay timaadaa marka ilmuhu darreemo qoyaanka saxarada , gaajo, daal ama cabsi  laakiin,  oohinta maroojiska calloosha ka timaadaa ma ahan mid joogsata ama la debcin karo.
  •  Carruurta callool-maroojiska lihi inta badan way dilqaan.
  • Carruurta maroojiska leh waxay leeyihiin callool-dibiro. Ilmuhu waxay horay iyo gadaal u ruxaan lugaha iyagoo ooyaya.

 

Muddo intee le’eg ayuu socdaa Callool-maroojiska ilmahu?

Ilaahay mahadi khayr baa soo fool leh,  waayo maroojisku wuxuu socdaa dhawr billood oo kaliya. Waxaa laga yaabaa in asbuuca lixaad ee cimriga ilmaha uu kordho maroojisku,  laakiin bisha sadexaad ama afraad maroojiskii waa soo gebageboobaa. Waxaa muhiim ah in waalidiintu bartaan siyaalaha loola tacaalo maroojiska oo buuq, hurdo la’aan iyo jahawareer badan ku fura waalidiinta. Hooyadu waa inay heshaa dad badan oo ka caawiya haynta ilmaha maroojisku hayo. Waxaa laga yaabaa in ilmuhu oohinta ku soo gaaro waaberiga .

Waa maxay sababta qaar ka mid ah carruurtu u leeyihiin maroojiska?

Maroojiska carruurtu wuxuu ka mid yahay masaa’ilada caafimaad ee la xallin la’yahay sida ay u dhacaan iyo sababta saxda ah ee keenta. Maroojisku ma kala yaqaan ilmaha haddii uu wiil yahay ama gabar yahay, sidoo kale wuxuu ku dhici karaa ilmaha curradka ah ama kan yaraanka ahba. Ilmaha naaska la nuujiyo iyo kuwa masaasada labadaba isku si buu ugu dhacaa.

Carruurta dhalata waxaa la qiyaasaa 20%-30% inuu ku dhaco maroojiska calloosha. Sababaha keena dhawr waxyaalood ayaa farta lagu fiiqaa,  iyadoo aan la lahayn cadaymo badan. Sababaha laga shakiyo inay keenaan maroojiska waa kuwaan qaar ka mid ah:

  • Habdhiska dheefshiidka ee ilmaha yar qaar ka mid ah weli ma diyaarsana oo wuxuu dhibsanayaa dheefsiga caanaha. Waxaa halkaas ku yar dheecaanada cuntada iyo caanaha shiida markaa waxaa ka samaysma dhiidista cuntada dibiriyo ay keeneen hawooyin samaysmay.
  • Laab-jeex ka yimid dibirada caloosha ka jirta oo ilmuhu ladiidyo ku keena.
  • Ilmuhu marka uu ooyayo ama la quudinayo wuxuu liqaa hawo taas oo ku keenta inuu dibiro.
  • Carruurta oo habeenkii dhibsada iftiinka iyo shanqarta.
  • Habdhiska darreensidka oo aan diyaarsanayn

 

Jirrooyin iyo xaalado shabaha callool-maroojiska oo uu ilmuhu oohinta kala joojin waayo ayaa iyana jira sida:

  • Caabuq dhegaha iyo kaadi-mareenka
  • Caabuq habdhiska dheefshiidka
  • Caddaadis ama caabuq habdhiska darreensidka iyo maskaxda
  • Dhib xagga indhaha sida xiribaha indhaha oo isha xoqoya
  • Jirrooyinka wadnaha
  • Dun ama timo kaga xirmay faraha ama suulasha ilmaha

 

Sidee loola tacaalaa ilmo callool-maroojis qaba?

Marka ugu horaysa oo aad dareento in ilmaha uu hayo callool-maroojisku la xiriir dhaqtarka carruurta oo kuu kala sheegi kara in kani yahay maroojiskii caadiga ahaa iyo ay jirto jirro kale oo maroojiska keenaysa. Waa kuwaana habab kale oo loola tacaalo maroojiska:

  • Marka ilmaha aad nuujiso ama aad caano siiso, si deg deg ah ha u seexin garabka dushiisa ilmaha seexi isaga oo taagnaan ah. Habkaasi wuxuu keenayaa in ilmihii daaco oo hawadii uu liqayay intii uu caanaha cabayay ay ka soo baxdo.
  • Waxaa jira cuntooyin hooyada nuujinaysaa isticmaali karto oo looga shakiyo inay caanaha naaska u gudbaan. Waxaa ka mid ah cuntooyinkaas shaaha, kafeega, caanaha lo’da, kaabajka iyo toonta. Haddii ay suuragal tahay waxaa wanaagsan in la joojiyo isticmaalkooda inta laga gaarayo dhawrka bilood ee ugu horeeya nolosha cunnuga.
  • Ilmaha maroojisku hayo waxay jecel yihiin in la xanbaaro ama lagu ruxo kursiga ilmaha.
  • Waxaa jira daawooyin dibirada ilmaha ka bi’iya ee waydii dhaqtarkaaga ama farmashiistahaaga
  • Dukaamada caadiga ah waxaa laga helaa cabitaan yar oo la yiraahdo maa’ul qariib ama gripe water oo la siiyo carruurta marka ay dibiraan ama dilqamaan.

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: