Sunday, May 19
Shadow

HURDADA IYO CARRUURTA

Hurdadu waa baahi muhiim ah oo u wanaagsan caafimaadka iyo korriinka ilmaha. Hurdadu waxay kor u qaadaa caqliga, dhiiranaanta, xasuusta iyo maskax-furnaanta ilmaha.  Carruurta hesha hurdo ku filan waxay ka caafimaad badan yihiin kuwa aan helin hurdo ku filan. Sidoo kale, carruurta aan seexan saacado hurdo oo ku filan waxay ka rabshad badan yihiin kuwa waqti waafi ah seexda.

 

Hurdo nabdoon
Hurdo nabdoon waxay horseedaa ilmo caafimaadsan

Baahida hurdada iyo carruurta way kala duwanaan karaan qof qof ahaan. Halkaan waxaan ku soo gudbinaynaa shaxda sida caamka ah ilmuhu hurdo u baahan yihiin.

Da’da ilmaha Saacadaha hurdo ee uu u baahan yahay
0 ilaa 2 bilood 11-18 saacadood
2 Bilood ilaa 12 bilood 14-15 saacadood
1 ilaa 3 sanno jir 12-14 saacadood
3 ilaa 5 sanno jir 11-13 saacadood
5 ilaa 12 sanno jir 10-11 saacadood

 

TALOOYIN KU SAABSAN SI ILMUHU KU HELO HURDO KU FILAN

Habka ugu wanaagsan oo ilmaha loogu dhiirigaliyo inuu hurdo ku filan helo waa in la yeesho jidwal joogto ah, Tusaale ahaan haddii la joogtooyo in ilmaha iskuulka ama malcamada loo kalihinayo in la seexsho habeen walba 2 saac oo fiidnimo waxay noqonaysaa jidwal la qabatimay oo ay khasab tahay in ilmuhu waqtigaas lulmoodo.

Habab kale oo caawiya hurdada ilmaha:

  • Sii ilmaha casho fudud saacad ka hor waqtiga hurdada
  • Ha siin ilmaha habeenkii cabitaanada caffienka leh sida shaaha, kookada iyo shukulaatada.
  • Haddii waqti loo hayo biyo qandac ah ugu qubee ilmaha ka hor hurdada
  • Ilkaha u caday ilmaha hurdada ka hor habeen walba
  • U gali dharka hurdada. jawiga kulul; dhar fudud halka jawiga qaboowga dhar culus oo dhaxanta celiya.
  • Qolka ilmaha ka dhig mid degan oo aan iftiin badan lahayn.
  • Ha u shidin ilmaha hurdada ka hor TV ama Video waayo waxaa laga yaabaa in ilmaha maskaxdiisa uu baaqi ku ahaado wixii uu daawaday.

 

Waalidiintu waa inay isha ku hayaan haddii ilmahoodu dhib dhinaca hurdada ah ay la soo gudboonaato. Waxaa jira jirooyin ilmaha hurdo la’aan ku keena sida marka ilmuhu hurdada dhexdeeda ku neef-qabatimoobo (Sleep apnea). Waxyaalaha keena in ilmaha neef-qabatin ku dhaco hurdada dhexdeeda waxaa ka mid ah alleerjiga, jirooyinka habdhiska neef-mareenka ku dhaca, qumanka oo barara iyo mararka qaar sanka ilmaha hilbo ka soo baxaan.

Carruurta neef-qabatinku ku dhaco hurdada dhexdeeda waxay leeyihiin calaamadaha kala ah neef-qabatin, khuuro, galgalasho badan.  Cayilka saa’idka ah isna wuxuu keeni karaa khuuro.  Sidoo kale, waalidiintu waa inay fiiriyaan in ilmuhu hurdada dhexdeeda ku qarwaan, mararka qaar ilmaha ka mid ah iyagoo oo hurda ayay socdaan.  Calaamadahaan sare ku yaal haddii aad ilmaha ku aragto tus dhaqtar ama khabiir hurdada kaala taliya.

Carruurta aan habeenkii hurdo ku filan helin waxaa lagu gartaa daal maalintii ah, caajis, xanaaq iyo ilmaha oo iskuulka ku lulmooda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: