Tuesday, December 3
Shadow

Daafka – Conjunctivitis

In badan baa la arkaa ilmo indhaha mar-maraya, oo indhuhu gadduuteen, kadibna  subixii markuu soo tooso ayba indhuhu kala fuqi waayaan baqbaq iyo dheecaan awgood. Kaasi waa daaf ilmaha indhaha kaga dhacay.

Waa maxay daafku?

Daafku waa cuddurka ugu badan ee carruurta indhaha kaga dhaca. Wuxuu wataa cuddurkaani cun-cun, gadduudasho, barar iyo caabuq ku dhaca isha inteeda cad ee kubada oo kale ah ama daboolka isha. Inta badan daafku wuxuu ka bilaabmaa hal il,  laakiin markiiba wuu ku baahaa isha kalana.

Daafka waxaa keena jeermiyada Baakteeriyada iyo Fayraska. Mararka qaar waxaa sababa Xasaasiyada ama allerjiga.

Carruurtu waxay darreemaan sidii baalka isha oo gudaha isha ugu noqday oo mudaya hilibka isha ama sidii carro ama ciid ka gashay isha oo uu ilmuhu is leeyahay iska soo saar saxarka isha kaaga jira.   Waalidiinta iyo macalimiinta la joogga carruurta iyaguna waxay u nugul yihiin inay qaadaan daafka waayo daafku waa cuddur aad u faafa oo si fudud la iskugu gudbiyo.

Daafku maahan jiro khatar ah,  laakiin carruurta wuxuu ku keenaa raaxo-darro iyo cuncun. Waxaa looga buskoodaa muddo asbuuc ah haddii la qaato daawo,  xitaa waxaa suuragal ah inta badan in ilmuhu iska buskoodo daawo la’aan.

Noocyada Daafka 

Bacterial Conjunctivitis waa nooc daaf ah oo ay keento baakteeriya. Waxaa lagu gartaa waxaa isha ka soo baxa dheecaan iyo malax jaalle ah oo indhaha iyo baalashooda isku dhajiya. Waxaa lagu eedeeyaa noocyadaan baakteeriyada ah staphylococcus, streptococcus, ama  hemophilus.

Daafka Baakteeriyada
Daafka Baakteeriyadu keento – courtesy of wikipedia

Viral conjunctivitis Waxaa keena Virus, inta badana waxaa qaada carruurta hargabsan. wuxuu fayrasku ku keenaa isha cuncun,barar iyo gadduud badan.

Allergen Conjuctivitis noocaan daafka ah waxaa keena xasaasiyad ama allerji ilmuhu qabo oo uu dareemo wax allergic uu ku yahay oo soo galay indhahiisa ama sankiisa. Inta badan waxaa kacsha boorka,siigada ka duusha ubaxa ama qiic IWM.

Daafka Allejiga - Courtesy of wikipedia
Daafka Allejiga – Courtesy of wikipedia

Daawaynta Daafka

Daawaynta daafku waxay ku xiran tahay hadba nooca daaf ee cunnugu qabo.
Nooca ay keento Baakteeriyadu dhaqtarkaagu waxa uu kuu qorayaa goojada isha ama boomaato la marinayo isha oo la qaadanayo ugu yaraan asbuuc.
Goojada iyo boomaatadu waxay u baahan yihiin in lagu dhibciyo ama la maraiyo isha marka ilmuhu libiqsado.

Mayr gacmahaaga horay iyo ka gadaalba daawaynta ilmaha.  Ha isticmaalin daawooyin hore loo isticmaalay,  waayo daawadaasi markii la furay ayaa isticmaalkeedu ku ekaa asbuucyo ka dib amaba ma ahan nadiif.  Kaga mayr indhaha ilmaha baqbaqa iyo dheecaanka biyo qandaca dhawr jeer maalintii.

Noocyada fayruska iyo Baakteeriyadaba si fudud maro nadiif ah ugu rid biyo qandaca dabadeedna ku kubee isha dhawr jeer maalintii.

Nooca daafka ee uu keeno Fayrasku waxaa laga yaabaa daawayn la’aan inuu ilmuhu ka buskoodo. Waxaa loo baahan yahay in indhaha biyo qandaca lagu mayro,  oo la nadiifiyo qolofta iyo baqbaqa isha hadba fuula. Haddii muddo asbuuc ah ay ku daawoobi waayaan indhuhu la gaar ilmaha dhaqtar.

Nooca Daafka ee alleejigu keeno waxaa loo baahan yahay in la ogaado waxay sababay xasaasiyada ilmaha ku keentay noocan daafka ah, dabadeedna laga digtoonaadaa. Sida fayruska noocaani waxuu ku bugsoon karaa bilaa daawo la’aan. Mararka qaarkood dhaqtarkaagu wuxuu ilmaha u qori karaa boomaato ama goojo anti-alleerjik ah.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: