Waxaad maqashaa carruur banaanka ku ciyaaraysa galabkii mar cirku soo hooray. Waalidiintu way ku qayliyaan carruurtii, “carruureey soo gala gudaha yaan qaboow idin galine”. Laakiin Qaboowgu ama nimooniyadu maxay tahay? Mise laga qaadaa hawada qaboow sida roobka da’aya oo kale.
Soomaalidu cuddurkaan magacyo badan bay u taqaan. Waxaa ka mid ah magacyadaas Qaboow, oof-wareen, qaar-jeex iyo koolbo-aariyo. Waxaan doortay inaan u daayo magaciisa laatiinka ah ee Nimooniya.
Nimooniya waa cuddur ku dhaca sanbabada oo ay keenaan jeermiyada kala ah Baakteeriya iyo Virus. Wuxuu cuddurku ku dhacaa dhamaan dadka ilaa carruur ilaa waayeel.
Nimooniyada waxaa lagu qaadaa marka qofku neefsado hawo ay la socdaan jeermiyada ama baakteeriyada ama firaska, oo markaas gaara habdhisyada ama kiishahka alvioli ee neefshada. Marka ay caabuqaan kiishahka alvioli ilmihii ma qaadan karo ogsijiinta jirka muhiimka u ah, sanbabkiina ma shaqayn karo.

Nimooniyada carruurta ku dhacda waxaa loo kala saaraa labo nooc oo kala ah:
- Nimooniyada Baakteeriyadu keento waxay leedahay calaamado degdeg ah – Qandho sare, hawada oo cunnugu boobo iyo qufac. Carruurtu cuntada way ka go’aan waxayna u eg yihiin kuwo aad u jirran. Waxay yeeshaan neef-qabatin, hunqaaco iyo shuban. Nooca ugu badan ee baakteeriyada ah ee keena Nimooniyada waa Streptococcus pneumoniae.
- Nimooniyada Fayrasku keeno waxay ku bilaabataa sida hargabka oo kale, inkastoo calaamaduhu dib ka xumaadaan sida qandho sare, neef-qabatin, matag, qufac foori leh, tabardaro iyo mararka qaarkood shuban. Nimooniyada viruska waxaa inta badan keena noocyadaan syncytial virus (RSV), parainfluenza virus, adenovirus, iyo firaska keena hargabka caadiga ah.
Calaamadaha guud ee Nimooniya
Sidaan kor ku sheegnay noocyada nimooniyada ee fayraska iyo baakteeriyadu kala keenaan way isku dhow yihiin calaamadahoodu, sidaas awgeed waa kuwaan calaamadaha caamka ee nimooniyadu:
- Qandho sare
- Qufac
- Neef-qabatin leh san-baloolin iyo saabka oo diisma.
- Cunto qaadasho la’aan iyo tabardaro
- Maqaarka,bishimaha iyo ciddiyaha oo baluug noqda.
- Madax-xannuun iyo murqo xannuun
- Mararka qaarkood Shuban iyo matag.
Sidee lagu xaqiijiyaa Nimooniya
Marka ilmaha la keeno isbitaalka dhaqtarku wuxuu fiiriyaa sida cunnugu u neefsanayo, inuu boobayo neefta iyo inkale. Wuxuu dhaqtarku isticmaalayaa aalada Steteskoob oo lagu dhagaysto sharqanta xabbadka. Haddii sanbabka cunnuga qayb ka mid ah sharqanta hawo-qaadashadu ku yar tahay iyo haddii ay sanbabka ka jirto sharqan aan caadi ahayn Dhamaan waxaa lagu ogaadaa isticmaalka Steteskoobka.
Waxaa kale oo lagu ogaan karaa nimooniya haddii Raajo ilmaha sanbabka laga saaro.

Daawaynta Nimooniya
Nimooniyada Baakteeriyadu keento waxaa loo qoraa Antibiyootic, laakiin tan fayrusku keeno waxay u baahan tahay nasasho iyo in ilmaha la fuuq-celiyo, waayo carruurta qandhaysan oo haddana neef-tuuraya waxay u nugul yihiin inay fuuq-baxaan. Haddii qandho jirto waxaa la siiyaa ilmaha Paracetamool ama ipubrufen haddii ilmuhu 6 bilood ka wayn yahay.
Carruurta u baahan in la seexiyo isbitaalka waxay u baahan yihiin daawooyin Antibiotic ah iyo faleembo lagu xiro. Mararka qaar waxay u baahan yihiin in sanka laga suro tuubo ogsijiin siinaysa.
Inta badan nimooniyada aan dhib kale la imaan waxaa looga buskooda Asbuuc daawaynta ka dib, inksatoo qufacu asbuucyo socon karo.
Sidee looga hortagaa Nimooniya
- Dhamaan carruurta waa in loo dhamaystiraa talaalka. Dhawaan waxaa soo baxay talaal nooc Nimooniya ah(pneumococcal iyo Flu)oo carruurta la siiyo.
- Carruurtu waa inay helaan nasaho iyo hurdo ku filan si difaaca jirkoodu kor ugu qaadmo.
- Gacmo-dhaqista oo la joogtaysto mar kasta oo ilmaha la quudinayo ama musqusha ay galaan.
[…] jirka dhib u keeni kara. Waa calaamad guud ah oo ku caan ah carruurta qabta neefta iyo qaar-jeexa(pneumonia), hargabka iyo wixii la mid ah. Cunnug qaba neef waxaa suuragal ah inuu qufaco si uu isaga soo saaro […]